Dhagayso:-Banbaano Gacmeed oo lagu tuuray Maxkamada Darajada Bosaso

Rag aan haybtooda la garan ayaa saaka laba bam gacmeed ku tuuray xarunta maxkamadda darajada 1aad ee magaalada Boosaaso.

Ilaa hadda inta la ogyahay 3 qof oo mid ka mid ah uu shaqaale ka ahaa maxkamadda ayaa ku dhaawacmay.

Ragga bamka tuuray oo lugaynayey ay goobta ka baxsadeen, halkaasoo ay markii dambe soo gaareen ciidanka amaanka.

Todobaadkii hore ayey ahayd markii sidaasoo kale bam gacmeed lagu tuuray bar koontarool oo taallay gudaha magaalada, ayadoo ay ku dhaawacmeen 3 askari oo midkood uu ahaa sarkaal ka tirsan ciidanka birmadka.

 

 

Halkan ka dhgaayso codka Gudoomiyaha Maxkamada

About the Author

Jibril Qoobey
(ISBITALKA )GMC- HOSPITAL DHAGACADE. Kabilowdey Qaliimo losamenayo Qaar Kamidah Ciidanka ku Xaraysan Xerada General Carays ee Deegaanka Godod. Qaliinada Losamenayo Ciidanka waxa iska Kashanaya Musharax Duqa Dagmada Galkacyo Cawil Cabdile iyo (ISBITALKA )GMC- HOSPITAL. DHAGACADE. Waxa Qaliinada Fulinaya .Dhaqatirta kala Ah. DR Maizid iyo DR Cabdale Horeeye. Qaliinadan manta kabilowdey Isbitalka GMC HOSPITAL DHAGACADE . Waxa Goobjoog ka ahaa musharax Duqa Dagmada gaalkacyo mudane Cawil Cabdile iyo sido kale Taliyaha Ciidanka Darawiishta gobolada mudug iyo Ceyn ee Puntland mudane Sharmake shiikh doon iyo . Agasimaha Isbitaalka GMC- mudane Maxamed Cabdirisaaq warsame iyo masuuliyen kale.

Be the first to comment on "Dhagayso:-Banbaano Gacmeed oo lagu tuuray Maxkamada Darajada Bosaso"

Leave a comment