Video:-Xasan Shiikh oo loo dhaariyay Xildhibaan Baarlamaanka Fadaraalka ah

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku biiray Xildhibaannada Golaha shacabka kaddib markii loo dhaariyay xilkaas.

Xasan Sheekh Maxamuud Xilka loo dhaariyay waa Xildhibaan sharafeed ka mid ah goalaha shacabka mana jiro XIldhibaan uu beddelay,waxaana uu noqday Xildhibaanka 276aad ee Golaha shacabka Soomaaliyeed.

Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya ayaa siinaya Madaxweynaha xilka ka dega in uu noqonayo Xildhibaan ka mid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu noqday Qofkii ugu horreeyay ee Madaxtinimada Soomaaliya ka dega islamarkaana toos ugu biira Golaha shacabka iyada oo uu siinayo Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka

Be the first to comment on "Video:-Xasan Shiikh oo loo dhaariyay Xildhibaan Baarlamaanka Fadaraalka ah"

Leave a comment