Video:-Madaxweyne Farmaajo oo u safri doona dhawaan Dalalka Kenya iyo Itoobiya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan u safri doona Dalalka dariska ah ee Itoobiya iyo Kenya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kaga qaybgali doona nayrobi shir ay yeelan doonaan madaxda urur Goboleedka IGAd,shirkaas oo looga arinsanayo arimaha Qaxootiga.

Socdaalka Madaxweynaha ee Dalalka dariska ah ayaa la filaya ain uu waxtar u noqod xiriirka dalalkaas iyo Somaliya,sidoo kale uu dajiyo shakiga xooga badan ee dalalkaas ay ka qabaan hogaamintiisa.

Dahawaan Warbixin ay soo saartay kooxda caalamiga ah ee xasaradaha adduunka “International Crisis Group” oo ay cinwaan uga dhigtay “Qatarta ay dalalka gobolka ku keeni karaan rajada Soomaalida” ayay diiradda ku saartay halista Madaxweeynaha cusub ee dalka uga iman karta dalalka deriska la ah Soomaaliya, oo ay sheegtay in ay shaki weyn ka qabaan madaxweeynaha cusub ee loo doortay Soomaaliya Mudane Max’ed C/laahi Farmaajo,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka

1 Comment on "Video:-Madaxweyne Farmaajo oo u safri doona dhawaan Dalalka Kenya iyo Itoobiya"

  1. M/weyne diplomacy wax badan miisaami kara

Leave a comment