Video:-Xiriirka dawladaha Imaaraadka iyo Soomaaliya oo khatar ugu jira in uu xumaado

Dowlada Imaaraatka Carabta ayaa ka carootay go’aanka ay Dowlada Federaalka Soomaaliya uga soo horjeesatay in saldhiga Milatari ay ka dhigato garoonka Diyaaradaha magaalada Berbera, waxa ayna horey saldhigaasi ugala heshiisay Maamulka Somaliland.

Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo oo dhawaan booqasho ku tagay Boqortooyada Sacuudiga ayaa la sheegay in madaxda dalkaasi kala hadlay sidii loo faragalin lahaa qorshaha Imaaraatka ku doonayo in saldhig milatari uga dhisato Garoonka Diyaaradaha Berbera.

Dowlada Imaaraatka Carabta ayaa la sheegay in si deg deg ah ugu yeertay Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay Danjire Maxamed Cusmaan Al-Xamaadi, waxa uuna safiirka ku laabtay magaalada Abuu Dubai.

Amarkan kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Imaaraadka Carabta ayaa lagu shegay in uu safiirka ugu laabtay dalkiisa, Safiirka ayaana la filayaa in uu warbixin siiyo Wasaarada Arimaha Dibada .

Dowlada Cusub ee Soomaaliya ayaa u muuqata mid aan raali ka aheyn qorshaha ay Dowlada Imaaraatka Carabta saldhiga uga dhiganeyso magaalada Berbera, waxa ayna Madaxda dowlada sheegeen in Somaliland ay tahay dhul Soomaaliya kamid ah .

Xariirka Dowlada Soomaaliya kala dhaxeeyay Imaarataka ayaa mudooyinkii dambe ahaa mid sii xumaanayay, Dowlada Imaaraatka oo taageero badan siisa Dowlada ayaa lasoo baxday dhaqamo cusub oo wax u dhimaya Madax bananaida iyo jiritaanka dowlada Soomaaliya.

Dowlada Imaaraatka ayaa heshiis kula gashay Maamulka Somaliland in saldhig ciidan ka dhigato Garoonka Diyaardaha magaalada Berbera, waxaana heshiiskaasi Somaliland ku heshay dhaqaale badan,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka

Be the first to comment on "Video:-Xiriirka dawladaha Imaaraadka iyo Soomaaliya oo khatar ugu jira in uu xumaado"

Leave a comment