Video:-FBI-da oo been abuur ku tilmaantay eedayntii Obama ee Donald Trump

Agaasimaha guud ee FBI-da James Comey aayaa beeniyay sheegashada Trump ee ka dhanka madaxweynihii hore Barack Obama.

Wuxuu Obama ku eedeeyay inuu amray in telefoonkiisa la duubo ka hor intuusan doorashada ku guuleysan, sida warbaahinta Mareynka ay ku waramayaan.

Mr Comey ayaa weydiistay waaxda cadaaladda ee Mareykanka in si cad ay u beeniyaan sheegashada Donald Trump, sida ay baahiyeen New York Times iyo NBC.

Wuxuu Comey sheegay inuu dalbanayo in arrinta la saxo, sababtoo ah “waxay muujineysaa in FBI-da ay jebiyeen sharciga”.

In agaasimaha FBI-da uu canaanto madaxweyne talada haya waxay muujineysaa in cadaadis uu ka haysto dhanka Dimuquraadiga oo u sheegay inuu si cad uga jawaabo eeda, Sidaasi waxaa sheegay weriyaha BBC-da ee Washington, Nick Bryant,hoos ka daawo muuqaalka

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka

Be the first to comment on "Video:-FBI-da oo been abuur ku tilmaantay eedayntii Obama ee Donald Trump"

Leave a comment