Madaxweyne Farmaajo”Waa inaan ka hadalnaa waxtarka dadka Somalida ay ku leeyihiin Mareykanka, halkii aan ka hadli lahayn dhowr qof oo dhibaato sababay”

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa cambaareeyay xayiraadda Donald Trump uu saaray lix dal oo Muslimiin ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa haysto dhalashada Mareykanka iyo midda Soomaaliya.

Dalalka uu Trump dadkooda ka mamnuucay inay u safraan Mareykanka waxaa ka mid ah Soomaaliya.

Wakaaladda wararka ee AP ayaa soo xigatay madaxweyne Farmaajo oo sheegaya in 150 kun oo qof oo Soomaali ah inay “gacan ka geysteen dhaqaalaha Mareykanka iyo bulshooyiinka Mareykanka qaabab kala duwan”.

“Waa inaan ka hadalnaa waxtarka dadka Soomaalida ay ku leeyihiin Mareykanka, halkii aan ka hadli lahayn dhowr qof oo dhibaato sababay”, ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

“Waa muhiim in Soomaaliya ay sii wado shaqada ay uga guuleysaneyso Al-Shabaab”, ayuu tilmaamaya madaxweynaha.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa soo saaray amar uu ku mamnuucay Muslimiinta lix dal inay Mareykanka u safraan.

Dalalkaasi waxaa ka mid ah Soomaaliya, Suudaan, Liibiya, Yaman, Suuriya iyo Iiraan. Wuxuu Trump sheegay in argagixisada uu ka difaacayo dadka Mareykanka.

Amarka waxaa qeyb ka ah in 120 maalmood la hakiyay dhammaan qaxootiga gali lahaa dalkaasi. Wuxuu amarkaasi dhaqan gali doonaa 16-ka bishan Maarso.

Be the first to comment on "Madaxweyne Farmaajo”Waa inaan ka hadalnaa waxtarka dadka Somalida ay ku leeyihiin Mareykanka, halkii aan ka hadli lahayn dhowr qof oo dhibaato sababay”"

Leave a comment