Maraykanka oo laga yaabo in uu kala geeyo qoysaska sharcidarrada ku soo gala

Dawladda Maraykanka ayaa ka fikiraysa in ay kala gayso carruurta iyo waalidkood haddii la qabto iyaga oo si sharci darro ah uga soo talaabaya xadka Maksiko.

Xoghayaha arrimaha gudaha ee dalka Maraykanka John Kelly ayaa warbaahinta CNN u sheegay in ujeedada go’aankani uu yahay isku day lagu doonayo in la baajiyo qoysaska safarada khatarta ah ka soo gala bartamaha Ameerika.

Tobannaan kun oo waalid iyo carruur isugu jira, kuwaas oo badankood ka soo cararaya qalalaasaha Honduras iyo El Salvador ayaa la xiray iyaga oo xadka ka soo gudbaya.

Sanado ayay qaadan kartaa inta maxkamaduhu ay go’aan ka gaarayaan codsiyada ay soo gudbisteen ee ah in magangalyo la siiyo.

Warbaahinta ayaa Jimcihii ku warantay in siyaasadan cusub ay ka dhigan tahay in waalidka lagu hayn doono xabsiyada inta sharciga laga waafajinayo ama loo diyaarinayo qaabkii loo masaafurin lahaa.

Be the first to comment on "Maraykanka oo laga yaabo in uu kala geeyo qoysaska sharcidarrada ku soo gala"

Leave a comment