Video:-Nike oo soo saartay Xijaab Dumarka Islaamka ah ay ku ciyaari karaan

Shirkadda caanka ku ah soo saarista dharka iyo kabaha ciyaaraha ee NIKE ayaa soo bandhigtay qorshe ay ku howlanayd sanado badan oo ay ugu talagashay haweenka Muslimka ah ee ka qayb qaata ciyaaraha caalamiga ah ee adduunka, waxayna haatan suuqyada soo dhigtay xijaab ay ugu talagashay haweenka Muslimka ah ee ka qayb qaadan doona tartammada orodka iyo wixii lamid ah.

Xijaabkan cusub oo ah nooc xirashadiisu fudddahay waxaa laga sameeyay maro qafiif ah oo sidii laastiigga u kala baxaysa lehna dulduleello yaryar oo hawo kasoo gali karto, wuxuuna soo shabahaa marada qammaarka.
Dadka xayaysiinta xijaabkaas ka qaby qaadanaya waxaa kamid ah gabar u dhalatay  Dubai oo la yiraahdo Zahra Lari oo ka qayb qaadan doonta ciyaaraha Winter Olympics ee ka dhacaya 2018 Pyeongchang, dalka South Korea, Imaaraadka Carabta (UAE.) ayay Zahra u tartamaysaa,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka

Be the first to comment on "Video:-Nike oo soo saartay Xijaab Dumarka Islaamka ah ay ku ciyaari karaan"

Leave a comment