Video:-Weerarkii isbitaalka Afgaanistaan oo khasaaro xoog leh dhaliyay

Ugu yaraan 30 qof ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen, balse waxaa suuragal ah tirada dhimashada ay intaa ka badato.

Ciidamada komandoska Afghanistan ayaa diyaarad laga daadiyay, gudaha ayeyna u galeen cisbitaalka si ay mintidiinta ula dagaallamaan.

Ururka la baxay Khilaafada Islaamka ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkaasi.

Madaxweynaha dalkaasi Ashraf Ghani wuxuu sheegay in weerarka lagu qaaday cisbitaalka uu yahay mid halis gelinayo qiimaha nolosha aadanaha.

“Dhammaan diimaha, cisbitaalka waxaa loo tixgeliyaa sida meel sharfan, in la weerarana waxay ka dhigan tahay in Afghanistan oo dhan la weeraray”, ayuu yiri madaxweynaha.

Weerarka wuxuu ku bilowday qof isku qarxiyay albaabka dhanka koonfurta oo xiga safaaradda Mareykanka, ka dib seddax dabley ayaa gudaha u galay cisbitaalka.

Waxay galeen dabaqa labaad iyo midka seddaxaad ee cisbitaalka, waxayna billaabeen inay rasaas ku furaan dadkii gudaha ku jiray,hoos ka daawo muuqaalka

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka

Be the first to comment on "Video:-Weerarkii isbitaalka Afgaanistaan oo khasaaro xoog leh dhaliyay"

Leave a comment