Video:-Dawlada Itoobiya oo badeshay Safiirkeedii u fadhiyay Somaliya

Safiirka cusub ee Soomaaliya loo soo magacaabay ayaa lagu magacaabaa Jamaaludiin Mustafa Cumar oo horay u ahaa Safiir kuxigeenka Soomaaliya.

Wakaalada wararka Itoobiya ee ENA ayaa shaacisay in warqad ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Itoobiya Mulatu Teshome lagu magacaabay Mr Jamaaludiin Mustafa Cumar.

Amb. Jamaaludiin Mustafa oo ah nin ka soo jeeda Deegaanka Is Maamulka Soomaalida Itoobiya ayaa loo arkaa mid ay dowladda Itoobiya ku xoojineyso xiriirkeeda dhow ee Soomaaliya.

Sidoo kale Jamaaludiinka Mustafa ayaa waxaa uu yahay Wakiilka gaarka ah ee dowladda Itoobiya u qaabilsan Soomaaliya.

Jamaaludiin ayaa noqonaya Safiirkii labaad oo asalkiisu yahay Soomaali oo Itoobiya u soo magacawdo dowladda Soomaaliya, waxaa horay labo jeer Safiir u soo magacawday C/casiis Axmed Aadan oo ka soo jeeda deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Safaaradda Itoobiya ayaa ku taal Xarunta Madaxtooyada, waxay ka mid tahay 83 Safaaradood oo ay Itoobiya ku leedahay caalamka daafihiisa,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka

1 Comment on "Video:-Dawlada Itoobiya oo badeshay Safiirkeedii u fadhiyay Somaliya"

  1. taasi yaysan idin lanoqon somaaliyeey in ay yaraatay faragalintii otopia ay somaaliya kuhaysay
    ogaada in’ninkaan lasoo magacaabay larabo in laguyateeyo shakiga ay dadka soomaaliyeed kaqabaan itopia
    ninkaasi waanin sawir lookeenay oo larabo in lagu gaado shacabka somaliyeed
    halaga digtoonaado ninkaan ayaan dhihi lahaa

Leave a comment