Dawlada Puntland oo dalka dibadiisa u qaaday Dhaawacii Xildhibaan Bootaan

Xildhibaan Cabdulqaadir Faarax Bootaan ayaa maanta diyaarad ka qaadey magaalada Gaalkacyo, kadib marki uu maalintii Arbacada dhaawac culus ka soo gaarey Bom lagu xirey gaarigiisa.

Wararku waxay sheegayaan in dhaawaca Xildhibaanka loo qaadey dalka Kenya.

Xil. Cabdulqaadir ayaa waxyeelo ka soo gaartey qaarka danbe, waxaana dhaawiciisu ahaa mid culus.

Ururka al-Shabaab ayaa sheegtey masuuliyadda iskudayga dil ee Xildhibaanka.

Maalmo ka hor ayey ahayd markii hay’adda PSF ku soo bandhigtey Gaalkacyo gaari nooca xamuulka qaada oo lagu qabtey miinooyin noocyo kala duwan ah oo ay kamid ahaayeen nooca gawaarida lagu xiro, gaariga ayaa u socdey Bosaso marka la qabanayey.

Be the first to comment on "Dawlada Puntland oo dalka dibadiisa u qaaday Dhaawacii Xildhibaan Bootaan"

Leave a comment