Mareykanka Cutubyo ka tirsan Ciidamadiisa Badda u Daad Gureeyay Syria

Ciidamada Mariinisika Mareykanka ayaa lagu daadgureeyey waqooyiga dalka Syria, si ay gacan uga gaystaan dagaalka la doonayo in magaalada Raqqa looga qabsado kooxda Daacish.

Wargeyska Washington Post, oo markii ugu horreysay shaaca ka qaaday daadgureyntan, ayaa sheegay in tani ay astaan u tahay in Mareykanka uu sii kordhinayo ciidamada jooga dalka Syria.

Ma jiro wax hadal ah oo rasmi ah oo kasoo baxay dowladda, hase yeeshee saraakiil ka tirsan milatariga Mareykanka ayaa wakaaladaha wararka qaarkood u xaqiijiyey jiritaanka ciidamadan la geeyey Syria.

Ciidamada Mariiniska ayaa sidoo kale la geeyey magaalada Manbij oo 138 KM u jirta waqooyiga galbeed ee magaalada Raqqa, oo ah caasimadda khilaafada Daacish ay sheegtaan.

Waxaa la rumeysan yahay in qiyaastii afar kun oo dagaalyahanno Daacish ah ay ku sugan yihiin gudaha magaalada Raqqa.

Waaxda gaashaandhigga Mareykanka ayaa howlgalka Manbij ku qeexday mid looga hortagayo in kooxaha kala duwan ee halkaas ka jira ay is-weeraraan

Be the first to comment on "Mareykanka Cutubyo ka tirsan Ciidamadiisa Badda u Daad Gureeyay Syria"

Leave a comment