Xaajood Xurmooyin.WQ.Maxamed C. Xasan ”Alto”

Xaajood Xurmooyin
 
(Sheeko Gaaban)
 
Waxaa wada kulmay oo si kalsooni ku dheehantahay isu waraystay laba marwooyin oo saaxiibbo ahaa.
 
”Baayo, i dhegeeyso! Horta ma ka heshaa ragga ardaallada ah?” Ubax ayaa rafiiqdeed, Udgoon, weyddiisey.
 
”Saaxiib waa ku sidee? Miyaynnu wax walba ku wada hadallaa? Imminka ma dhab bay su’aashu kaa tahay mise dheeldheel? Dabcan maya.”
 
”Kuwa qoryaha sita, sigaarka qiijiya, qaadka cuna, si khaldan Qur’aanka Eebbe ugu qaraabta oo qaadashada qalinku dhib ku yahay, bal iyagana ka warran?”
 
”Oo maxaan, heedhe, ku falayaa? Kuwaas iyaga hay maqmaqashiinnin!” ayaa Udgoon ku jawaabtay, ”Waadawdarro iyo damiinno aan dugsi iyo daryeel labada daarood – adduun iyo aakhiraba – midnaba ku lahayn.”
 
”Maxaad ka odhan lahayd hadday qaybin, qoloqoleeyn iyo qabyaalad kula soo galaan?” Ubax ayaa weyddiisey.
 
”Maxay, walaal, qaadi karaan? Ha qaylqayliyeen waligood, Soomaali qoys qudha ayay qarniyaal badan ahayd, tahay imminka, khaatimadana ahaan doontaa.” Horey ayaa loo yidhi: ’Sagaaro laba tun oo la kala qalo ma laha.’”
 
”Khamaarlayaasha iyo khamriilayaashase?”
 
Kute Udgoon: ”Xaashaa, kuwaa xilo u noqon maayo.”
 
Sayte Ubax: ”Saa waa kuwa googgo’a ka xada gacalladooda?”
 
”Iyagu hadalkoodaba daa! Qori agtayda ka jabsan maayaan.”
 
”Kuwa ka hadal aan ubadkooda war iyo wacaal ka haynnin?”
 
”Bisinka iyo Burdaha ayaan ka qabsaday.”
 
”Godadlayaashase?”
 
”Gurigayga soo gelin maayo. Ma wax gambar iyo gogol loo dhigo oo la gacalaysto baa?” Udgoon ayaa ku warcelisey.
 
Gebaggebadii Ubax ayaa su’aal xog-goob ah dhiibatay: ”Haddaba, ina-adeer, maxaad saygayga ka odhan lahayd, isagu waa jaadma?”
 
Maxamed C. Xasan ”Alto”
 
Helsinki, Finland
 
06.04.2002 xasan_maxamed@hotmail.com

Be the first to comment on "Xaajood Xurmooyin.WQ.Maxamed C. Xasan ”Alto”"

Leave a comment