70-qof oo Somaliya oo laga soo celiyay Dalka Maraykanka

Ugu yaraan 70 qof oo laga soo tarxiilay Mareykanka ayaa dib loogu celiyay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Dadkaaasi ayaa muddo ku xirnaa dalka Mareykanka, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Soomaaliyaa Sonna oo soo xigatay wasiirka amingaa gudaha ee Soomaaliya Cabdirasaaq Cumar Maxamed.

Dadkaasi waxay dalbadeen in dib loogu celiyo Soomaaliya, sida Sonna ay ku qortay boggeeda internetka.

Dhawaan ayay ahayd markii dad badan oo Soomaali ah laga soo tarxiilay Mareykanka, dibna loogu celiyay Muqdisho.

Dadkaasi ayaa Muqdisho gaaray 25 January, oo ahayd afar maalmood ka dib markii Trump uu xilka la wareegay.

Be the first to comment on "70-qof oo Somaliya oo laga soo celiyay Dalka Maraykanka"

Leave a comment