“Dhergaa waalan Dhedhenshaana ka daran.”,WQ.Cabdi Aadan

“Dhergaa  waalan Dhedhenshaana  ka daran.”

(Waa maahmaah  Soomaali ah.)

 

Muddo  sii horeysey  Faarax  Cali Shire, wuxuu ka mid ahaa  dad  Soomaali ah  kuna soo galay qaxooti  dalka Austraaliya, gaar ahaanna

Wuxuu salka dhigtay    degaanka magaalada Melbourne (State  of Victoria).

 

Shaqo wuxuu ka bilaabay tagsi wadid, muddo ka dibna waa dadaaley, wuxuuna galay waxbarasho. Markuu dhammaystay  waxbarashadii  wuxuu noqday  shaqaale caadi  ah.  Soomaalida halkaan   joogta oo iska war qabtay, mushaarada Faarax kama badnayn kharashaadka  laga rabo:  Sida guri kiradi, kan teleefoonka, kan Biyaha,  Korontada, Interneetka, ganaaxyada iyo wiixii la mid ah.

Si lama filaan ah Farah daruur biyeysan, ayaa korkiisa ka curatay. Hilaada sideed sanno mar ku siman Cabdiraxman Faroole, ayaa qabsaday  majaraha maamulka Puntland. Markiiba Farah Ali Shire, ayuu u gacan haadiyey deg deg buuna u dhoofay, wuxuuna u dhiibey xilka  Wasaaradda Maaliyadda.  Intuu martabaddaas hayey dhawr jeer, ayaa ciidamada mushaaradu ka go’day, waxaana  la shegay  in musuq-maasuq  degaanka hariyey. Faarax   xarunta Garowe wuxuu ka dhistay guri qasri ah, wuxuuna halkaas  ku yeeshay  ganacsi ballaaran.  Marka ciidamada mushaaradu ka go’ayso, Faaraxna hantidaas boobayo, qofna ma qaylin isna ma xishoon. Waxaa laga yaabaa haddii Faarax qaladkaas lagu qabsan lahaa, inuu afka qaylo-dhaan ku shuban lahaa qabyaaladna  kicin lahaa. Dhaqanka  dadka Reer Puntland, waxaan ku jeclahay markii qalad dhoco dulqaadka  lagaga hor tago oo ah “War naga daaya intii mid taas ka xun dhici lahayd”. Faarax,  maamulka Puntland, ayuu hadda dhaliilay, waana banan tahay  in maamul la dhaliilo, hase yeeshee  dhaliishaasu  waa inay noqoto  mid qalad  saxda,  balse aysan noqon  mid dadka  iyo dalkaba qalalaaso  ugu yeeraysa waana tan hadda Faarax  ku yaboohay.

Waxaa is-waydiin leh, sida Faarax ku baaqay haddii degaanka xasarad ka kacdo, lana boobo hantidiisa muxuu faa’iidey? Boqolka dollar oo Soomaaliya dibadda ka soo galay, 60 lixdan, waxaa laga helaa xoolaha dibadda loo dhoofiyo haddana abaar culus baa ku dhacday, taasina waxay dhaawacday nolosha Soomaalia oo dhan.  Marka maamulka Puntland miyaa abaarta keenay?

Sida la ogyahay maamuladii  gobalka  soo maray dadka ka hodmay boobka hantida dadweynaha  ma aha Faarax oo keliya, waxaase taas ka sii daran waa iyaga oo hadda  gobalka  qalalaase kula jira oo waa maah maahda kor ku xusan. Dadka  reer Puntland, ayaan la talinayaa.  Maahmaah baa tiraahda: Nabadi waa naas kuu irmaan. Wax kasta oo dhaca noocay noqotaba qof dan gaar ah leh kuu doonaba ha ahaadee yuu nabadda aad haysataan gacantiina ka saarin, fadlan yuu ka saarin ee ilkaha xaanaftooda ku xagsada waayo haddaaba dhibaato idin haysataa waa abaartee.

Waa qoraalkii Cabdi  Aadan

Australia

27/2/ 2017.

 

Qoraalkan waxuu u gaar yahay Qoraaga Qoramada ee kama turjumayso aragtida idilnews.

 

 

3 Comments on "“Dhergaa waalan Dhedhenshaana ka daran.”,WQ.Cabdi Aadan"

  1. Aan kuugu daree Faarax New Zealand, buu ka soo dhul bilaabay, wuxuuna so partime ah ugu shaqayn jirey Melbourne nin garaashle ah OO LA dhaho cabdiyare carte,

  2. Waxaan aad ula yaabay waxaan aad qormada ku sheegteen ninka soo qoray iyo waliba qoraalkiisa oo wax micno leh oo laga fahmi karo aysan jirin maxaa yeelay
    1. Waxaa uu sheegay in farah tagsi wadi jiray taas oo uu ceeb iga dhigayo hadalkiisa wuxuu sii raacyay in uu wax baran jiray uuna sheegay in uu dadaalay
    Qoraaga miyuusan ogayn in TAXI loogu talo galay in ay wadaan ardayda si ay nolal maalmeedkooda ugu kabaan mida kale shaqo goormay noqotay wax la isku caayo halkaas waxaa kaaga cad in dadkii caqliga u saaxiibka ahaa aduunka ka dhamaanayo
    2. Wuxu yiri faarax guri buu garoowe ka dhistay marka waxaan fahmi waayay nin wasiir soo ahaa in ka badan 5 sano haduu guri meel ka dhisto ma danbi baa arinkaas miyuusan arkin qoraaga in Niman Taxi Drivers hooyooyin SINGLE MATHER ah in ay guryo ka dhisteen garoowe arinkaas wax wayn oo qof lagu eedeeyo iigama muuqdaan halkaas,qoraagu wuxuu rabaa in uu noo sheego in farah lacag soo dhacay laakiin warbixinta uu soo sheegay naguma fila qoraaga magaciisa ku soo gaabiyay ABDI ADANoo aad moodo in uu is qarinayo , walaal abdi noo sheeg hadiii aad og tahay xoolo badan uu wasiirka lunsaday iyo diyaarado iyo maraakiib u socda haday jiraan.
    Ninka wax soo qoray waxaan kala garan waayay in uu mirqaansanaa iyo in uu yahay nin fadhi ku dirir ku caqliyaystay iyo mida aan u badinayo oo ah in uu qabiil ka guuxayo

  3. Ma mirqaan sana ee, ee Faarax isagoo partime garaash uga shaqeeya ayuu noqday wasiir, aqalana Outland kuma lahayn, haddaan aqal weyn OO 1 milyan Ku show ayuu dhisayaa, aqal kalena waa Lee yahay, hotelna waa Lee tahay, iskudarkooda qiyaad waa 2 miyan, warkaas soo hubso Boowe Maxamuud. Faarax Auckland- waan joogney, Melbourne waan wada joogney, sanadkii hore July-na Garoowre ayaan wada joogney, aqoon igu Gillan baan uleeyahay, ee nin dhalo Ku jiraa yow dhagaxyo tuurin

Leave a comment