Lix Gobol oo kamid ah Gobolada Maraykanka oo ka soo Horjeestay Amarka Trump

Lix gobol oo ka tirsan gobollada Mareykanka ayaa sheegay inay halgan sharci ah u geli doonaan sidi ay u joojin lahaayeen amarka labaad ee uu madaxweyne Donald Trump uga mamnuucay inay dalkan Mareykanka soo galaan muwaadiniinta lix wadan oo ka mid ah dalalka Islaamka.

Gobolka Hawaii ayaa noqday kii ugu horeeyey ee dacwad ka gudbiya amarka Trump Arbacadi. Qareenada Hawaii ayaa ku dooday in amarka uu dhaawacayo muslimiinta ku nool gobolkan ku yaalla badweynta Pacific-ga.

Shan gobol oo kale oo ay ka mid yihin Washington, Oregon, Minnesota, New York, iyo Massachusetts ayaa Khamiistii ku biiray dacwadda, waxanaa lagu wadaa inay maxkamad federaali ah u gudbiyaan toddobaadka soo socda.

Xeer ilaaliyaha guud ee gobolka Washington, Bob Ferguson ayaa sheegay in amarka cusub ee madaxweyne Trumo uu yahay mid kooban marka loo fiiriyo kii hore, balse aysan taasi micnaheedu aheyn inuu daweeyey dhibaatooyinka dastuuriga.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in dacwada lixdan gobol ay tahay mid adag oo sharci ah.

Amarakii koowaad ee madaxweyne Trump ayaa waxaa joojiyey garsoore federal ah oo ku sugan magaalada Seattle ee gobolka Washington, markii ay sharciga la tiigsadeen gobollada Washington iyo Minnesota.

Be the first to comment on "Lix Gobol oo kamid ah Gobolada Maraykanka oo ka soo Horjeestay Amarka Trump"

Leave a comment