Madaxweyne Gaas oo heshiis taariikhiya oo maalgashi kusoo saxiixi doona Adis iyo Dubai

Madaxweyne Gaas iyo wafti xoog leh oo uu hogaaminayo ayaa u anba baxi doona  Dalalka itoobiya iyo Imaaraadka Carabta.
 
Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa ugu horayn tagi doona 15-ka bishan Magaalada Adis-Ababa ee Dalka Itoobiya,halkaas oo ay kula kulmi doonaan shirkad Shiinays ah oo ay kala saxiixan doonaan heshiis ku saabsan baaris macdanta iyo shidaalka Puntland ku jira.
 
16-ka bisha Madaxweyne Gaas iyo waftigiisu waxay ugudbi doonaan Dalka Imaaraadka Carabta gaar ahaan Magaalada Dubai,halkaas oo ay kula kulmi doonaan shirkada DP World oo ay horay ugu socdeen wada hadalo ku saabsan horumarinta Dekeda Bosaso.
 
Waxaa la filayaa in uu ka dhaco Dubai heshiis rasmiya oo ay kala saxiixan doonaan Puntland iyo shirkada DP World,kaasoo ku aadan balaarinta iyo qalabaynta Dekeda Bosaso.
 
Shacabka Puntland ayaa aad uga war dhawraya heshiisyadaas muhiimka ah iyo hiraglintooda,waxayna u arkaan talaabo mudan in la bogaadiyo oo waxtar u ah dalka iyo kaabayaashiisa dhaqaale.

Be the first to comment on "Madaxweyne Gaas oo heshiis taariikhiya oo maalgashi kusoo saxiixi doona Adis iyo Dubai"

Leave a comment