Video:-Xaafiiskii Hanti dhawraha Guud oo la jabsaday

Dowlada Soomaaliya ayaa qiratay in la jabsaday xafiiskii Hanti dhowrka qaranka ee ku yaalay madaxtooyada Soomaaliya isla markaana lagala baxay sir badan oo dowlada ukeydsaneyd.

Dr. Nuur Faarax Jimcaale Hanti-Dhowraha Guud Ee Qaranka ayaa xaqiijiyey in la jabsaday xafiiskiisa waxuusa sheegay inuu faahfaahin ka bixin doono oo uu saxaafada la hadli doono.

Dr Nuur ayaa sheegay in mashquul badan uu ku jiro balse mida uu xaqiijin karaa ay tahay inu xaqiijiyo jabsiga xafiiskiisa la jabsaday .

Wararkii ugu dambeeyay ee aynu heleyno ayaa sheegaya in xabsiga la dhigay kku dhawaad 10 ruux oo loo haysto iney jabsadeen xafiiska waxaana kamid ah shaqaalo dowladeed, xildhibaano iyo saraakiil ciidan.

Ku dhawaad 25 dikumiinti iyo Computero ayaa la dhacay, waxaana ku jiray sir gaar u aheyd dowlada iyo cadeymo uu xafiiska aruurinayay mudo dheer,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka

Be the first to comment on "Video:-Xaafiiskii Hanti dhawraha Guud oo la jabsaday"

Leave a comment