Dhagayso:-Baarlamaanka Hir-Shabelle oo ansixiyay maanta 52 Wasiir

85 xildhibaan ayaa soo xaadirtey kulankan, iyadoo 71 ay ansixiyeen golaha wasiirada cusub, sida uu sheegay Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Hase ahaatee qaar ka mid ah Xildhibaanada Hirshabeelle ayaa kulanka isaga baxay, kadib markii uu buuq ka dhashay qaabka codeynta mooshinka oo Guddoonka sheegay in gacanta loo taago.

Xildhibaanada qaar ayaa sheegay in mugdi uu ku jiro qaabka ansixinta oo aheyd mid gacan taag ah, isla markaana tirada joogtay kala bar ay ahaayeen xildhibaanada ka soo horjeeday Golaha Wasiirada in la ansixiyo.

Golaha wasiirada oo ka kooban 52 ruux oo isugu jira wasiiro,wasiir ku xigeeno iyo wasiiru dowlayaal ayaa 35 ka mid ah waxa ay yihin xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Hirshabeelle,hoos ka dhagayso.

 

 

 

Halkan ka dhagayso codka Gudoomiyaha Baarlamaanka

 

Be the first to comment on "Dhagayso:-Baarlamaanka Hir-Shabelle oo ansixiyay maanta 52 Wasiir"

Leave a comment