Video:-Dawlada Puntland oo bilawday biyo dhaamis gaarayaa12000 oo Fuusto oo loo samaynayo Dadka abaarta la ildaran

Maanta waxay Dawlada Puntland daahfurtay biyo dhaamis loo samaynayo Dadka abaarta la ildaran.

Biyo dhaamsikan ayaa gaaraya 12000 kun oo Fuusto (laba iyo toban kun oo fuusto).

Waxaa fulinaysa biyo dhaamiskan Hay’ada Puntland u qaabilsan Biyaha ee Psaweyn.

Dhanka kale waxay Dawladu soo bandhigtay Gaadiid loogu talagalay Biyo dhaamintaas oo Booyado ah,

Gaadiidkan waxaa lagu soo gaday lacagtii dhawaan laga helay Gudiga abaarta ee heer fadaraal taasoo gaaraysay 150.000 oo Dolar.

Waxa lasoo banhdigay oo saxafada horteeda ay ka cadeeyeen gancsatadii qandaraaska soo iibinta Gaadiidkan la siiyay qiimaha uu ku kacay halkii Gaari,sidoo kale waxaa cajiib ahayd in goobta laga cadeeyo lacag gaaraysay 7000 oo Dolar oo si gaar ah loogu dayactiray matoorna loogu soo iibshay ceelka Deegaanka Docmo.

Talaabadan Dawlada Puntland ay ku dhaqaaqday ee biyo dhaaminta ayaa ah mid aad muhim ah oo baahi badan loo qabo xiligan,sidoo kale in lacagtaas la cadeeyo sida loo maamulay waa talaabo kale oo muhiim ah oo mudan in lagu bogaadiyo Dawlada Puntland,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka

 

 

Be the first to comment on "Video:-Dawlada Puntland oo bilawday biyo dhaamis gaarayaa12000 oo Fuusto oo loo samaynayo Dadka abaarta la ildaran"

Leave a comment