Video:-Dhisme cusub oo ay yeelanayso laanta socdaalka Fadaraalka oo laga dhagaxdhigay muqdisho

Ra’isul wasaaraha Dowladda Fedraalka Soomaliya iyo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ayaa si wadajir ah u dhagax-dhigay Dhismaha cusub ee Xarunta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Dowladda Soomaliya oo laga hirgelinayo nawaaxiga Madaarka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

 Waxaa ka qeyb galay Munaasabadda Dhagax dhigga Mas’uuliyiin uu kamid ahaa Wasiirka Amniga Dowladda Federaalka Mudane C/risaaq Cumar Maxamed, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Dowladda Mudane Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi ) Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, saraakisha NISA, Guddoomiyaha Degmada Waabari iyo Masuuliyiin kale.

 

Waa markii ugu horreysay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Dowlada Soomaliya yeelato Dhul ay  leedahay iyadoo horey xarunta ugu shaqeyn jirtay dhismooyin kiro ah,hoos ak daawo muuqaalka.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka

Be the first to comment on "Video:-Dhisme cusub oo ay yeelanayso laanta socdaalka Fadaraalka oo laga dhagaxdhigay muqdisho"

Leave a comment