Bosaso:-Ugaaska Beesha Cali Xijiijle oo maanta lagu caleema saaray Magaalada Bosaso

Ugaaska guud ee Beesha Cali Xijiijle ee Maxamed Harti ayaa Saakay oo ay tariikhadu tahay 12.3.2017 waxaa lagu Caleemo saaray Magaalada Bosaso.

Ugaaska Beesha Cali Xijiijle ee saakay la caleemo saaray ayaa ku yimi Baahi ka timi dhinaca dhaqanka Beesha iyo guud ahaan beelaha kale ee Deegaanka.

Caleemasaarakan ayaa ka dhacay Hotel Gacayte Bosaso,iyadoo ay ka soo qayab galeen Xeer beegti iyo marti sharaf fara badan oo ay ka mid ahaayeen  nabadoono, isimo, siyaasiyiin, waxgarad, dhalinyaro,haween, aqoonyahano, culimo’udiin, xubno ka tirsan golaha wasiirada Puntland, saraakiil, xildhibaanada golaha deegaanka degmada Bosaso iyo marti sharaf kale oo aad u badan.

 

 

Be the first to comment on "Bosaso:-Ugaaska Beesha Cali Xijiijle oo maanta lagu caleema saaray Magaalada Bosaso"

Leave a comment