France:-Xaflad lagu taageeraayo madaxda Cusub ee Somaliya oo magaalada Paris lagu qabtay

France-Paris : Xaflad lagu taageeraayo madaxda Cusub ee Somaliya oo magalada Paris lagu qabta.

Waxaa xaflad aad iyo aad loo soo agaasimay oo halku dhig looga dhigay “TAAGERO ISBADEL IYO TAKULEEN DAD” lagu qabtay magaalada Paris ee Caasimada Dalka France.

Xafladaan ayaa aheyd mid si gooni ah taageero logu mujinaayay Madaxweyne Maxamed Cabdulahi Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheere, waxaana soo agaasimay Jaaliyada Soomaaliyeed ee Dalka France.

Dadweynihii xaflada ka soo qeybgalay ayaa isugu jiray Culumaa’udiin, Siyaasiyiin, Ganacsato, Haween, Fanaaniin, Arday iyo Dhalinyaro kuwaas oo dhamaan kawada tirsan Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka France.

Gen. Gaani Maxamud Xaaji oo ka mid ah wax garadka Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka France magaalada Paris horayna uga tirsanaan jiray mudo fog Ciidanka Police-ka soomaaliyeed ayaa waxa uu ka hadlay wayihii wanaagsanaa ee dalku uu soo maray iyo Rajada Isbadelka cusub ee hada dhashay laga qabo.

Sido kale waxa goobta ka hadashay Marwo Ubax oo fariin dhiri galin ah u dirtay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Xasan Khayre ayadoo ka codsatay in ay horseed ka noqdaan sidii Dalka iyo Dadka looga samata bixinlahaa xaalada adag ee uu wakhtigaan ku jiro Isbadelka dhacayna u noqon lahaa mid lagu diirsado oo mira dhal noqda.

Ugu danbeentii waxa xiritaankii xaflada ka hadlay Xoghayaha Guud ee Jaaliyada Soomaaliyeed ee Dalka France Khadar Maxamud Xasan “Ciro” oo sheegay in ay garab tagan yihiin Dhamaan Jaaliyada Madaxda cusub ee la doortay, waxa kale oo uu aad ugu dheeraday ka qeyb qaadashada Gurmadka Qaran ee loo fidinaayo dadka abaarha ku dhibateesan iyo sida ay uga qeybqadan lahayeen takuleeyntooda Jaaliyada Soomaaliyeed ee Dalka France.

 

 

Be the first to comment on "France:-Xaflad lagu taageeraayo madaxda Cusub ee Somaliya oo magaalada Paris lagu qabtay"

Leave a comment