Muqdisho:-Ciidamada Milatariga D.Fadaraalka oo mushahaar la’aan ka cabanaya ayaa xirtay wadooyinka soo gala Madaxtooyada Villa Somaliya

Ciidan ka tirsan Milatariga Soomaaliya oo Gadoodsan ayaa Maanta Xiray Isgooyska KM-4 illaa Warshaddii hore ee Nac-naca ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamada ayaa la sheegay in ay ka Cabanayaan Mushaar la’aan,waxaana ay Gaadiidka u diideen in ay Isticmaalaan Meelaha ay Xirteen.

Ma jirto wax War ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidamada Dowladda gaar ahaan kuwa Milatariga Soomaaliya oo ku aadan Ciidanka Maanta Gadoodka ka sameeyay Qeybo ka mid ah Muqdisho.

 

1 Comment on "Muqdisho:-Ciidamada Milatariga D.Fadaraalka oo mushahaar la’aan ka cabanaya ayaa xirtay wadooyinka soo gala Madaxtooyada Villa Somaliya"

  1. Ciidan mushaar la’aan ka cabanaya………Garoowe caaglayaal bay ahaayeen ee, Muqdisho ma dameeraleybaa?

Leave a comment