Talyaha Ciidamada milatariga Fadaraalka oo beeniyay in uu is casilay

Taliyaha ciidanka XDS S/Gaas Maxamed Aadan Axmed ayaa beeniyay oo waxba kama jiraan ku tilmaamay warar lagu faafiyay warbaahinta qaar oo lagu sheegay in uu iska casilay shaqada uu u hayo Qaranka.

 S/Gaas Maxaed Aadan Axmed taliyaha ciidanka XDS ayaa Radio Muqdisho u sheegay in wararkaasi ay yihiin been aan sal raad laheyn, isagoo tilmaamay in warkaasi ay faafiyeen shaqsiyaad dano gaar ah leh, kana soo horjeeda hore u socoshada howlaha ciidanka XDS.

Taliyaha ayaa intaasi ku daray in lala xisaabtami doono kuwa faafinaya dacaayadda raqiiska ah ee liddiga ku ah madaxda Qaranka Soomaaliyeed,. isagoo hoosta ka xariiqay in uu sharciga la tiigsandoono kooxahaasi ka been abuuray sida uu yiri.

Sidoo kale taliyaha ayaa carrabka ku adkeeyay in uu sii wadi doono shaqadiisa, islamarkaana uusan warkaasi beenta ah ka horjoogsandoonin gudashada waajibaadka Qaran..

Be the first to comment on "Talyaha Ciidamada milatariga Fadaraalka oo beeniyay in uu is casilay"

Leave a comment