Video:-35-Qof oo ku geeriyooday Buur qashin ah oo soo duntay

In ka badan 150 ruux ayaa la sheegay in ay goobta uu shilku ka dhacay ay ku sugnaayeen, waxaana wali la la`yahay tiro dad ah oo la rumeysan yahay in ay ku hoos jiraan qashinka soo dumar.

Dadkan ayaa ahaa kuwo qashinka ka qaraabta, waxaana ay u badnaayeen dumar iyo carruur.

Goobta uu shilku ka dhacay ayaa ah goob qashinka la keeno oo lagu farsameeyo, waxaana qashinkaasi soo dumay uu aasay ilaa 30 guri oo macmal ah kuwaas oo ay dhisteen dadka qashinka ka qaraabta.

Goobtan oo lagu magacaabay Koshe Garbage ayaa waxaa ay muddo 50 sano ah qaabileysa qashinka magaalada Addis Abeba.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka

Be the first to comment on "Video:-35-Qof oo ku geeriyooday Buur qashin ah oo soo duntay"

Leave a comment