Video:-Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay Roobdoon iyo Alle Bari

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi “Farmaajo”, ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay Toddobaadkaan gudihiisa sameeyaan isu soo baxdyo Alle bari iyo Roob doon ah.

 Madaxweyne Farmaajo oo ay wehliyaan Wasiirrada Warfaafinta, Diinta, guddoomiyaha gobolka Banaadir, agaasimeyaal ka socda wasaaradaha qaar iyo Culimada Soomaaliyeed qaarkood, ayaa shir saxaadeed uu ku qabtay xafiiskiisa uga hadlay xaaladda abaaraha daran ee dalka ka jira.

Madaxweynaha, ayaa sheegay in xaaladda abaarta ay la socdaan cudurro halis ah,  isla markaana dadka ay bilaabeen in ay ka soo baraxaan gobollada ay dhacdooyinkaasi ka taagan yihiin, waxa uu boggaadiyey dedaallada ay wadaan Ra’iisul wasaaraha iyo guddiga Qaranka ee guddiga Abaaraha Soomaaliya oo sameeyey isku dayo wanaagsan ilaa welina wada.

Sidoo kale Madaxweynaha, ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in maalinta Talaadada ee soo socoto ay sameeyaan isu soo baxyo Alle Bari iyo Roob doon, si Alle nooga dulqaado abaaraha dalka aafeeyey xilligaan.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed, ayaa sheegay in dambiyada ka dhacay Soomaalida dhexdooda ay keeneen abaaraha, loona baahan yahay in laga Towbad keenno, si khataraha ay abaartu ka mid tahay Alle nooga Qaado,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka

 

 

Be the first to comment on "Video:-Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay Roobdoon iyo Alle Bari"

Leave a comment