Video:-Rabshado xoog leh oo maanta ka dhacay Dekada Berbera

Qaar ka mid ah shaqaalaha dekedda Berbera ayaa saaka sameeyay shaqo joojin iyo mudaharaad ay kaga cabanayaan Shirkadda DP World ee la wareegtay dekaddaasi 1-dii bishan Maarso.

Madaxa qaybta gaadiidka iyo qalabka raridda iyo dejinta ee dekedda Berbera, Xuseen Nuur Cabdi, ayaa isna sheegay in madaxa shirkadda DP world ee dekedda uu si xun ula dhaqmay shaqaalaha.

Waxa uu sheegay in uu shaqaalaha ku amray in ay mushaar yar ku shaqeeyaan, haddii kalena uu kuwo ajaanib ah keensanayo. Wuxuu intaa ku daray in shaqaalaha qaarkood la xirxiray, rasaasna lagu riday.

Shirkadda DP World ayaan weli ka hadlin cabashada shaqaalahan,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka

Be the first to comment on "Video:-Rabshado xoog leh oo maanta ka dhacay Dekada Berbera"

Leave a comment