Dulmiye iyo Daalin-kalkaale WQ.Gobaad Cumar Guuleed

Dawdar garanwaayay derejadii uu Eeebbe siiyey oo daydday ahoo dawgiisii ka habaabay, ayaa lagu yidhi: “Kacoo taashkan xidho oo hoggaamiye u noqo duulkan saboolnimada iyo aqoondarrada isugu darantay!”

Daf intuu yidhi, ayuu taajkii isku taagay. Degdeg buu dagaal iyo dirsoocnimo u billaabay. Dadweynihii danwadaagta ahaa ee walaalnimada u wada degganaa ayuu kala didin, dirsoocnimo iyo dadqalnimo ugu dhaqaaqay. Halkuu daryeelka dadweynaha ka shaqeeyn lahaa, wuxuu u dhaqaaqay, gurubsi iyo daldalasho doollar, xatooyo iyo xantoobsi xoolo dadweyne, xaraash bad iyo beriba leh iyo laaluush bixin.

Guyaal goortii la joogay ayuu Dulmiye haadaan ka duulay. Kol uu dultaaganyahay ceel uu joogto uga cabbi jirey, ayuu sallaankiisii ka dhacay. Talo ayaa farahiisa ka haadday. Kob uu u cararo oo uu u ciirsado ayuu garanwaayay.

Muddo kaddib Daalin-kalkaale ayaa ceelkii soo dul-istaagay. ”Maxaa, Dulmiyow, ku heley? Maxaa ceelka ku dhex dhigey?

”War, waad fejeci lahayd haddaad ogsoonaan lahayd badhaadhaha aan ceelka ku dhex haysto. Heedhe, kaalayoo barwaaqada wax ka durduuro!”

”Ba’aa, belooy baydh! Boowe, i yara dhawr oo hantida hayga dhammaysan,” intuu yidhi ayuu Daalin-kalkaale madaxmadax ceelkii isugu tuurey. Halkii ayay labadoodiiba isbuurteen oo ku nafwaayeen.

Waa tii hore loo yidhi: ”Hashu, laaca aragtaye lunta ma ogtahay”.

Gobaad Cumar Guuleed

London, 04.12.2016

Be the first to comment on "Dulmiye iyo Daalin-kalkaale WQ.Gobaad Cumar Guuleed"

Leave a comment