Muqdisho:-Ra’isalwasaare Khayre oo ka codsaday Qaramada Midoobey in ay la wadagaan xogta abaaraha

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa maanta kormeer howlleed ku tagey xarunta isku xirka gurmadka Abaaraha u qaabilsan Qaramada Midoobay, wuxuuna warbixino ka dhageystay qaar ka mid ah Hay’addaha gacanta ku haya xog-uruurinta xaaladihii ugu danbeeyey ee Abaaraha ka jira dalka.

 Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa kala hadlay Hay’addaha Qaramada Midoobey in la mideeyo isla markaana la isku dheeli-tiro habka gargaarka loo gaarsiinayo deegaanada abaaruhu ka jiraan, lana wadaago macluumaadka ku saabsan meelaha ugu daran ee u baahan gargaarka degdegga ah, gaar ahaan dawladda iyo Qaramada midoobey, maadaama ay jiraan dadaalo kale oo gurmad ah oo ay fidinayaan Guddiga Qaranka ee Gurmadka Abaaraha iyo hay’addo kale.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale kulan gaar ah la qaatay Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating, waxayna isla soo qaadeen sidii Qaramada Midoobey ay gurmadku degdeg ugu gaari lahaa goobaha ay sida daran u saameysay Abaartu.

 

Be the first to comment on "Muqdisho:-Ra’isalwasaare Khayre oo ka codsaday Qaramada Midoobey in ay la wadagaan xogta abaaraha"

Leave a comment