Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Magaalada kismaayo

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta kumeelgaarka ah ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa sheegaya in qof isku soo xiray waxyaalah qarxa uu  gelinkii dambe ee maanta isku qarxiyay bartamaha magaalada Kismaayo.

Qaraxan ayaa ku dhintay shakhsigii watay oo kaliya mana jirin waxyeelo kale oo ka dhashay sida dadka deegaanka xaqiijiyeen.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxan uu ka dhacay afaafka hore ee Masjidka Xaaji Jaamaca ee Xaafada Faanoole,waana meel mashquul badan halkaasi oo isgoys gaadiidka iyo dadkuba ku badan yihiin ah.

Ma jirto cid sheegatay qaraxan hase yeeshee waxaa aad uga naxay dadka ku noolmagaalada Kismaayo iyadoo magaaladaas ay ahayd meel ammaan bilihii la soo dhaafay.

Be the first to comment on "Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Magaalada kismaayo"

Leave a comment