Video:-Col Jimcaale oo raali galin bixiyay iyo saamaynta garowe ay ku yeelatay Qabsashadii Ciidamadiisa

Maalmo ka hor ayay ahayd markii Ciidamo sheegtay in mushahaar la’aan haysa awgeed ay qabsadeen labada kayntarool ee magaalada Garowe,inkastoo wasaarada Maaliyada Puntland ay ka hortimid sheegashada Ciidamada si waadixana u sheegtay in aysan jirin wax mushahaar ah oo ka maqan Ciidamada qaska abuuray.
 
Ciidamadan oo ka tirsan Kumaandooska Puntland ayaa markii danbe waxaa talaabadoodii soo afjaray waxgaradka Gobolka nugaal qaybo ka mid ah oo ka hawlgalay.
 
Hadaba talaabadaas ay Ciidamadu ku qabsadeen kayntaroolada Magaalada iyo Golaha Baarlamaanka saamyn intee le’eg ayay ku yeelatay caasimada caanka ku ahayd amniga iyo bilicda ee Garowe:-
 
 
B.Hoos dhac weyn oo soo gaaray Hotel-ada iyo maqaaxiyaha wax lagu cuno ee Magaalada.
 
T.Hoos u dhac weyn oo lasoo gudboonaaday iibkii Dhulka Magaalada Garowe.
 
J.Xildhibaanadii Baarlamaanka iyo Golihii Wasiirada oo Bosaaso iyo Qardho ukala digo rogtay.
 
X.Hay’idihii Qaramada Midoobey iyo kuwii kale ee madax banaanaa oo diyaar garaw galay iyo xirxirasho bilaabay.
 
Kh.Heerka qiimaynta amaanka ee Qaramada Midoobey oo hoos u dhigay heerka amaan ee Garowe gaarsiiyayna Zone-5.
 
D.Bulshadii maalgashanaysay Garowe oo walaac ka muujiyey maalgashigii magaalada.
 
R.Qorshihii adkaynta amaanka caasimada oo fashilmay iyo shaqsiyaad shabaab ka tirsan oo soo dhaafay kayntaroolada.
 
S.Maalgaliyayaashii Mashaariicda JLPG iyo kuwii World Bank oo walaac ka muujiyey magaalada Garowe iney hawlahoodii kusii wadaan..
 
Sh.Guud ahaan Wafuudii Abaaraha u imaan lahayd oo u wareegtay Bosaso iyo Qardho
 
C.Ganacsigii Magaalada oo maaliinkii usoo gaaray khasaare 200.000 oo kun oo doolar ah(labo boqol oo kun oo Dolar).
Ugu danbayn Talyaha Ciidamada Kumaandooska Col Jimcaale Jaamac Takar ayaa bixiyay raali galin buuxda khaladkisiina qirtay,Hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka

Be the first to comment on "Video:-Col Jimcaale oo raali galin bixiyay iyo saamaynta garowe ay ku yeelatay Qabsashadii Ciidamadiisa"

Leave a comment