Video:-Sidee loosoo afjaray gadoodkii Ciidamadii Kumaandooska ee Garowe

Wasiiro, Maamulka G Nugaal, Maamulka Degmada Garoowe, Waxgaradka G Nugaal iyo Saraakiisha ciidamada Puntland ayaa kormeeray Kontoroolka Koonfureed ee magaalada Garoowe.

Kulankan oo looga hadlayay arrimaha Amniga iyo xal ka gaarida gadood koox ciidamo ah oo gadood ka sameyeye Kontoroolka Koonfur ayaa ka dhacay Isla Kontorolka, waxaana intii uu socday shirkan looga hadlay arrimahan.

Nabadoonada & Waxgaradka gobalka Nugaal ayaa si kulul u beeniyey warar la baahiyey oo ku saabsanaa Amniga magaalo Madaxda dawladda Puntland, wuxuuna sheegay in ay xili kasta ka shaqeynayaan nabadda oo ay dawladda uga dambeynayaan.

Agaasimaha Hay’adda La dagaalanka Musuqmaasuq & Asasteynta Maamul-wanaaga Cabdiraxmaan Cali Guureeye ayaa sheegay in xalinta dhacdadan ay qeyb ka tahay hanaanka maamul wanaaga.

Duqa magaalada Garoowe Xasan Maxamed Ciise goodir oo ka hadlay madasha ayaa sheegay in ay halkan Amni tahay, wuxuu si kulul u beeniyey warar la baahiyey oo sheegayay in ay ciidan qabsadeen xaruntan.

Taliyaha ciidamada Kumaandooska Puntland Col, Jimcaale Jaamac Takar oo ay ciidamada xukumo katirsanaayeen koox Kontoroolkan qabsatay ayaa raaligalin ka bixiyey talaabadaas, wuxuuna Shacabka u sheegay in aysan mar dambe dhici doonin.

Gudoomiyaha G Nugaal ee dawladda Puntland Col, Cumar Cabdulaahi Faraweyne ayaa isna ka hadlay xaaladdaha Amniga & Warar la buunbuuniyey oo dhacdadan ku saabsan.

Wasiirka Amniga ee dawladda Puntland Cabdi Xirsi Qarjab ayaa sheegay in ay dawladda Puntland ka shaqeynayso Amniga iyo daganaanshaha, ayna xili kasta Puntland xal ka gaarto dhacdooyinka waqtigu uu keeno,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka

Be the first to comment on "Video:-Sidee loosoo afjaray gadoodkii Ciidamadii Kumaandooska ee Garowe"

Leave a comment