Video+Sawiro:-Qarax xoog leh oo ka dhacay Hotel Weheliye Muqdisho

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho oo saakay uu ka dhacay qarax xoogan oo lala aeegtay  ayaa Gaari nooca loo yaqaan Hilux oo yaalay afaafka hore ee Hotelka Wehliye.

Gaariga ayaa la sheegay in uu lahaa Wasiirka Kaluumeysiga Maxamed Cumar Ceymoy , waxaana wararku sheegayaan in Wasiirka uusan xiligaasi gaariga saarneen.

Qaraxa ayaan wali la ogeyn in bartilmaameedkiisu ahaa Hotelka Wehliye iyo in lala damacsanaa gaariga uu lahaa Wasiirka Kaluumeesiga , mana jiro ilaa hada wax faah faahin ah oo masuuliyiinta dowlada ka bixiyeen qaraxaasi.

8-qof oo u badnaa dad shacab ah ayaa ku dhintay qaraxa ismiidaaminta ah ee ka dhacay afaafka hore ee Hotelka Wehliye, waxaa sidoo kale qaraxa ku dhaawacmay dad kale oo badan kuwaa oo xarumaha caafimaadka loola cararay.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan saameyntiisana si weyn looga dareemay magaaalada Muqdisho ayaa sidoo kale bur bur xoogan gaarsiiyay goobo ganacsi oo kuyaala agagaarka Hotelka Wehliye iyo gaadiid halkaasi yaalay iyo kuwa wadada marayay,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka

 

Be the first to comment on "Video+Sawiro:-Qarax xoog leh oo ka dhacay Hotel Weheliye Muqdisho"

Leave a comment