Baarlamaanka Uk oo ansixiyay ka bixida Yurub ee Uk

Baarlamaanka Ingiriiska ayaa ansixiyey sharciga qabyada ah ee ay Britain uga baxayso midowga Yurub.

Talaabadan ayaa dhabbaha u xaaraysa in xukuumaddu ay billowdo hirgalinta qodobka 50aad, si UK ay uga baxdo midowga Yurub.

Mudaneyaasha aqalka sare (House of Lords) ayaa ka haray arrimaha la xiriira xaqa degganaanshaha ee midowga Yurub iyo cod bixin wax-ku-ool ah oo ku saabsan heshiiska kama dambaysta ah ee ka bixitaanka.

Arrintan ayaa waxaa yara cakiray ku dhawaaqidii ay xukuumadda Scotland ku dhawaaqday inay qorshaynayso qabashada afti labaad oo ay madax banaani kaga qaadanayso UK.

Sharciga qabyada ah ayaa la filayaa in boqoraddu ay si rasmi ah u saxiixdo si uu sharci buuxa u noqdo Talaadada.

Xukuumadda ayaa iminka qorshaynaysa inay billowdo tallaabooyin rasmi ah oo ay uga baxayaan midowga Yurub, wixii loo gaaro dhamaadka bishan.

Be the first to comment on "Baarlamaanka Uk oo ansixiyay ka bixida Yurub ee Uk"

Leave a comment