Doorashada Holand iyo saadaasha cida ku guulaysan doonta

Hogaamiyeyaasha xisbiyada siyaasadeed ee ugu waaweyn Netherlands ayaa yeeshay doodoodi ugu dambaysay ee Tv-ga, ka hor doorashooyinka guud ee Arbacada dhacaya.

Waxaa in badan laga hadlay arrimaha socdaalka.

Murashaxa xisbiga midig-dhexe oo ra’iisul wasaaraha, Mark Rutte, ayaa ku gacan sayray siyaasadaha siyaasiga midigta fog, Geert Wilders.

Wuxuu ku tilmaamay qorshihiisa uu ku xirayo xuduudaha iyo masaajidda, uuna ku mamnuucayo quraanka inuu yahay “xal been ah”.

Dhiniciisa yuu Mr Wilders sheegay in uu dareemayo in Netherlands aysanba “dhamaantood lahayn”.

Hogaamiyaha xisbiga shaqaalaha Loedwijk Asscher ayaa isna sheegay in Wilders uusan xal hayn.

Saadaasha ugu dambaysa ayaa muujinaysa in taageerada Mr Wilders ay noqon karto mid si tartiib ah u soo baxda.

28ka xisbi ee tartamaya ayuusan midkoodna u muuqan inuu helayo aqlabiyad buuxda, sidoo kalena midkoodna ma uusan sheegin inuu doonayo inuu la shaqeeyo Mr Wilders.

Be the first to comment on "Doorashada Holand iyo saadaasha cida ku guulaysan doonta"

Leave a comment