Video:-Trump oo la baahiyay canshuur celintiisa iyo fadeexad cusub oo kusoo baxday

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa sanadkii 2015 bixiyay 38 milyan oo canshuur ah isaga oo ay soo gashay in kabadan 150 milyan oo doolar, sida ay muujinayso canshuur celintiisii oo la dusiyay.

Telefishinka MSNBC ayaa baahiyay qoraal labo bog ka kooban oo canshuur celin ah, arrintaas ayaana sababtay in Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanku uu si caro leh uga jawaabo.

Aqalku wuxuu sheegay in ay sharcidarro tahay in la sii daayo canshuur celintaas.

Trump ayaa diiday in uu baahiyo canshuur celintiisa intii lagu gudo jiray ol’olihii doorashada Maraykanka, isaga oo ka weecday dhaqan soo jireen ahaa muddo dheer.

Qoraalkan labada bog ah ayaa ah qayb ka mid ah macluumaadka canshuur celintiisa oo dhan mana faahfaahinayso meesha uu dhaqaalahaasi ka soo galay Trump.

Saxafiyiintu waxay leeyihiin shaacinta macluumaadkani waa mid muhiim ah wali maadaama oo wax yar uun laga ogyahay canshuur celinta Trump, xogtan cusubina ay caddaadiska ku sii kordhin doonto Trump sidii ku sii dayn lahaa macluumaadka ku saabsan canshuur celin intan ka sii badan.

Inkastoo baahinta canshuur celinta federaalku ay dambi tahay haddana Rachel Maddow oo ah daadihiyaha MSNBC wuxuu sheegay in ay adeegsanayaan isbadal la sameeyay oo u ogolaanaya baahinta wixii ay dan ugu jirto bulshada.

 

 

 

Halkan kadaawo muuqaalka

Be the first to comment on "Video:-Trump oo la baahiyay canshuur celintiisa iyo fadeexad cusub oo kusoo baxday"

Leave a comment