Video:-Xildhibaanada Jubaland tababaro aqoontooda kor loogu qaadayo loo soo xiray

Siminaarka oo socday muddo 6 cisho ah ayaa gabagabadiisa waxaa ka soo qeybgalay madaxweynaha maamulka Jubbaland, Guddoomiyaha baarlamaanka Jubbaland, safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya wadanka Kenya, xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Kenya, saraakiil ka socotay AMISOM iyo mas’uuliyiin kale.

 

 

 

 Siminaarka ayaa xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Jubbaland oo gaarayay ku dhowaad 40 mudane waxaa lagu barayay casharo ay kamid ahaayeen tayada kor u qaadida hanaanka shaqo ee baarlamaamka Jubbaland.

“Waxaa farxad weyn inoo ah in maanta uu inoo soo gabagaboobay tababar socday muddo 6 maalin ah, tabababrkan waxaa inoo qabtay AMISOM, waxaa loogu talo galay in kor loogu qaado aqoonta baarlamaanka Jubbalandayuu yiri Xildhibaan Axmed Taajir oo ka tirsan baarlamaanka Jubbaland.

 

 

 

Danjire Jamaal oo goobta ka hadlay ayaa yiri “Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan maanta idinkala soo qeybgalo xiritaanka tababarkan aad ku qaadanayseen Kenya, waxaan u maleynayaa in aad waxbadan ka barateen Siminaarka , waxaan jecelnahay marka aad noqotaan in aad uga faa’iideysaan xildhibaannada intii ay u suuro geli weyday in ay halkaan yimaadaan”

 

 

Madaxweynaha  Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo siminaarka soo xiray ayaa xildhibaannada Jubbaland ku boggaadiyay waxyaabaha ay barteen, isagoo ka rajeeyay  in ay u sii gudbin doonaan dadka ku sugan goobihii ay ka yimaadeen.

“Aad baan ugu faraxsanahay xildhibaannada Jubbaland oo tababar u yimid Nairobi, waxaan u mahadcelinayaa AMISOM oo tababarkan soo qaban qaabisay, waxaan rabaa in aan uga mahadceliyo baarlmaanka 6 dii maalin ee ay siminaarka ku jireen sida uu dareenkoodu ahaa iyo sida ay ugu diyaarsanaayeen in ay wax kororsadaan” ayuu yiri madaxweyne Axmed Madoobe.

 

Halkan ka daawo muuqaalka siminaarka

 

Halkan ka daawo muuqaalka khudbadii Madaxweyne Axmed Madoobe

 

 

Be the first to comment on "Video:-Xildhibaanada Jubaland tababaro aqoontooda kor loogu qaadayo loo soo xiray"

Leave a comment