Video:-Amarkii Trump ee ka dhanka ahaa islaamka oo markale uu joojiyay Xaakim Fadaraal ah

Xaakim heer fadaraal ah oo laad ku dhuftay amarkii mar labaad Trump ku hor istaagayay wadamada islaamka.

Xaakim heer federaal ah oo ka shaqeeya gobolka Hawaii, ayaa si kumeelgaar ah u joojiyay mamnuucidda uu madaxweyne Trump saaray dadka ka yimaada 6 dal oo Muslim ah.

Amarka Trump oo dhaqangeli lahaa 7-da aroornimo saacadda geeska Afrika, ayaa waxaa dacwado ka dhan ah laga furay 7 gobol oo kala ah Washington, New York, Minnesota, Oregon, Massachusetts, Maryland iyo Hawaii.

Dadkan dacwadahan gudbiyay ayaa ku doodaya in amarkan uu hareer marsan yahay shuruucda federaalka Maraykanka ee ku aaddan soogalootiga.

Waa talaabo kale oo niyada ka jabisay Cunsiriiyiinta caalamka ee Trump hogaamiyo.

Shacabka Maraykanka waxay si adag u diideen go’aamada Trump .

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka

Be the first to comment on "Video:-Amarkii Trump ee ka dhanka ahaa islaamka oo markale uu joojiyay Xaakim Fadaraal ah"

Leave a comment