Video:-Cunsiriyiintii Holand oo looga adkaaday doorashadii Dalkaas iyo Xisbiga ogol soo galootiga oo guulaystay

Reer Holand waa hadleen waxay muujiyeen in aysan cunsiriyiin ahayn oo ay raali ka yihiin wada noolaanshaha bulshada Caalamka dalkoodana uusan boos uga banaanayn Cunsuri.

Donad Trump iyo kooxdisii waa lagu quustay aduunku waa ka fogaaday cunsiriyiin iyo koox aragti gaaban.

Rw Holand ayaa yiri”Waxaan ku faanayaa shacabka Holand ee muujiyay in ay yihiin dad han leh oo aaminsan in ay yihiin hogaamiyayaasha caalamka qayb ka mid ah”

Guusha Xisbiga Laybaraalka waxay ka dhigan tahay Fariin waxtar u ah isdhexgalka bulshada caalamka.

Ra’iisalwasaaraha dalka Netherlands Mark Rutte ayaa sheegay in dalkiisu uu diiday dadka shacbiyadda khaladka ah raadinaya isaga oo u dabaaldagaya guushii baarlamaanka ee uu xisbigiisu ka gaaray doorashada.

Iyada oo la tiriyay codadka intooda badana xisbiga VVD ayaa si sahlan ugu guulaystay xisbiga ka soo horjeeda soo galootiga iyo Midawga Yurub ee Freedom Party ee uu hogaamiyo Geert Wilders.

Doorashadan waxaa loo arkayay in ay tijaabo u tahay taageerada ay haystaan xisbiyadda qiirada wadaninimo ay hayso ee ku soo badanaya dalalka Yurub oo dhan.

Wilders ayaa ku adkaystay in “guga wadaniyaddu” uu wali sii di’i doono.

yadoo la tiriyay 90% cododkii la dhiibtay xisbiga VVD ayaa ku guulaystay 33 ka mid ah 150kii kursi ee loo tartamayay, siddeed xubnood ayayna lumiyeen marka loo eego doorashadii hore.

Xisbiga Freedom Party ee Wilders ayaa kaalinta labaad galay waxayna ku guulaysteen 20 kursi waxayna heleen shan kursi oo dheeri ah, xisbiyada CDA iyo D66 ayaa ku soo dhaw oo iyaguna helay 19 kursi.hoos ka daawo muuqaalka

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka

Be the first to comment on "Video:-Cunsiriyiintii Holand oo looga adkaaday doorashadii Dalkaas iyo Xisbiga ogol soo galootiga oo guulaystay"

Leave a comment