Madaxweyne Gaas oo gaaray Dubai iyo Gudoomiyaha baarlamaanka oo ku biiray waftiga Madaxweynaha

Madaxweynaha dawlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafti uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Dubai ee Dalka Imaaraadka Carabta.
 
Waftiga Madaxweynaha oo kasoo kicitimay Adis-Aababa oo ay maalmahan hawlo shaqo ujoogeen ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha Dubai kusoo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan dawlada Imaaraadka Carabta .
 
Dhanka kale waxaa isaguna gaaray dubai oo ku biiray waftiga Madaxweynaha Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi.
 
Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda ay la kulmaan Madaxweynaha iyo waftigiisa dawlada Imaaraadka Carabta iyo shirkado maalgashi oo Puntland ay la gali doonto heshiisyo waa weyn oo taariikhiya.
 
Madaxweyne Gaas iyo waftigiisa ayaa Adais-Ababa kula kulmay masuuliyiinta ugu saraysa Dawlada Itoobiya iyo sidoo kale shirkado maalgashi oo Shiinays ah,.
 
 
La soco wararkayaga danbe iyo socdaalak Madaxweynaha ee Dubai.

Be the first to comment on "Madaxweyne Gaas oo gaaray Dubai iyo Gudoomiyaha baarlamaanka oo ku biiray waftiga Madaxweynaha"

Leave a comment