Video:-Xasan Shiikh oo ugu danbayntii ku biiray Madaxda Somalida ee dibad joogta ah

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo xubno ka tirsan qoyskiisa ayaa saaka ka ambabaxay magaalada Muqdisho.

Xasan Shiikh iyo qoyskiisa ayaa ku sii jeeda magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, iyagoo sii raacay dayuurada Turkish Airlines.

Waxaa garoonka dayuuradaha Aadan cadde ku sii sagootiyey masuuliyiin uu ka mid ahaa guddoomiyaha Baarlamanka Somalia Maxamed Cismaan Jawaari iyo xubno kale.

Xasan Shiikh oo looga guuleystay doorashadii madaxweynaha Somaliya ee dhowaan dalka laga qabtay ayaa waxa uu horey u sheegay inuu muddo kooban oo nasiino ah ka maqnaan doono dalka, uuna ku sii jiri doono siyaasadda.

Xasan Sheekh ayaa sheegay inuu dalka joogi doona, isagoo ugu baaqay shacabka inay dowladda la shaqeeyaan, waxaa uu sheegay in khilaaf iyo is qab qabsi aan loo baahneyn, lalana garab istaago dowladda.

Xasan ayaa horay ugu faanay in uu noqon doono  madaxweynaha kaliya ee aan dalka kale weydiisan doonin magangelyo siyaasadeed iyo inuu deegaan ka dhigto dal shisheeye,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka

 

Be the first to comment on "Video:-Xasan Shiikh oo ugu danbayntii ku biiray Madaxda Somalida ee dibad joogta ah"

Leave a comment