Sawiro:-Madaxweyne Gaas iyo Wasiirka Arimaha Dibada Itoobiya oo ku kulmay Adis-Ababa

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wasiirka Arimaha Dibada Etiopa Mr. Workneh Gebeyehu ayaa maanta kulan muhiim ahaa wada qaatay.

Kulanka dhexmaray Madaxweynaha Puntland iyo Wasiirka Arimaha Dibada ee Ethiopia ayaa waxaa looga hadlay arimo dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen:-

A.Xoojinta xiriirka Puntland iyo Dawladda Ethiopia,

B.Xasiloonida iyo adkaynta nabadgelyada,

C.La dagaalanka Argagaxisada

D.Kor uqaadida kaabayaasha dhaqaalaha iyo xiriirka ganacsiga.

Dhanka kale Madaxweyne Gaas iyo wasiirka arimaha Dibada ee Itoobiya waxay kawada hadleen oo si qoto dheer uga wada xaajoodeen isbedelka doorashadii ka dhacday Soomaaliya iyo guud ahaanba siyaasada Somaliya iyo sidii hore loogu sii socon lahaa loona gaarsiin lahaa heer wanaagsan oo looga gudbi karo caqabadaha ka jira ammaanka iyo heerka nolosha dalka Somaliya.

Wasiirka Arimaha Dibada ee Dawladda Ethiopia ayaa Madaxweynaha Puntland ugu hambalyeeyey doorka wanaagsan ee Puntland markasta ka qaadato la dagaalanka burcad badeeda iyo kooxaha argagaxisada ah, kooxahaas oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwo caqabad ku ah horumarka iyo xasiloonida Gobolka.

Madaxweynaha Gaas ayaa dhankiisa Dawlada Itoobiya uga mahadnaqay xiriirka dhow ee ay markasta la leedahay Puntland,

Waxaa la filayaa in Madaxweyne Gaas ayaa inta uu kusugan yahay magaadala Addis Ababa waxaa uu kulamo gaar gaar ah la yeelan doonaa madaxda sare ee Dawladda Ethiopia, IGAD, African Union, beesha caalamka iyo hay’adaha safalka ee xarumha ku leh Ethiopa. la kulmi doono ra’isalwasaaraha Itoobiya Hayle Maryam Desale maalmaha soo socda.

Jibril Qoobey.

 

Be the first to comment on "Sawiro:-Madaxweyne Gaas iyo Wasiirka Arimaha Dibada Itoobiya oo ku kulmay Adis-Ababa"

Leave a comment