Video:-Turkiga oo Somaliya ka dhistay Saldhig Milatari kii ugu weynaa oo ay Dalkeeda Dibadiisa ka dhisato

Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan,ayaa bisha April ee soo socota imanaya Magaalada Muqdisho,waxaana lagu wadaa in uu xarigga ka jaro Saldhig ay Dowladda Turkiga ka dhisatay Muqdisho.
 
Saldhiggan oo lagu sheegay midka ugu weyn ee Turkigu ku leeyahay meel ka baxsan Dalkiisa ayaa waxaa loogu talagalay in lagu tababaro Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Qaaradda Afrika ee Turkiga xiriirka la leh.
 
Madaxweyne Erdogan waxaa Safarkiisa ku wehliya Taliyaha Guud ee Ciidanka Turkiga Jeneraal Hulusi Akar,waxaana ay rasmiyan xarigga uga jari doonaan Saldhiggan oo la dhiosayay tan iyo 2015kii.
 
Dhismaha Saldhiggan oo bed ahaan gaaraya 400 oo Hegtar waxaa ku baxday lacag dhan $50 Milyan oo Doollar waxaana markiiba lagu tababari karaa Askar gaareysa 500 oo Askari.
 
Saldhiggan ayaa ka kooban 3 dugsi Tababar,Isbitaallo iyo bakhaarro lagu keydiyo agabka ay u baahanyihiin Ciidamada joogaya iyo kuwa la tababarayo,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka

 

 

 

 

Be the first to comment on "Video:-Turkiga oo Somaliya ka dhistay Saldhig Milatari kii ugu weynaa oo ay Dalkeeda Dibadiisa ka dhisato"

Leave a comment