Donald Trump oo booqan doona Shiinaha

Xog-hayaha arimaha dibadda Maraykanka, Rex Tillerson, ayaa ku wargeliyey madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, in madaxweyne Donald Trump damacsanyahay inuu booqasho ku tago dalkiisa si loo xoojiyo isfahamka ka dhexeeya labada dawladood.

Tillerson wuxu socdaal ku marayaa dalalka Aasiyada Bari waxaanu hogaamiyaha China kula kulmay magaalada Beijing.

Madaxweyne Xi ayaa isna sheegay inuu ku faraxsanaa horu socodka fiican ee uu sheegay kulankii uu la yeeshay Tillerson.

“Waxaad sheegtay in xidhiidhka Shiinaha iyo Maraykanku uu mid saaxiibtinimo uun yahay. Arrinkaa in aan la dhacsanahay ayaan anna sheegayaa” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray madaxweyne Xi in uu dhawr jeer tilifoon kula hadlay madaxweynaha Maraykanka.

“Labadayaduba waxaanu rajaynaynaa in ay bilaabanto marxalad cusub oo horumar togan ahi” ayuu yidhi.

Xog-hayaha arimaha dibadda Maraykanka, Tillerson ayaa isna sheegay in madaxweyne Trump “aad u qiimaynayo xidhiidhada ay ilaa haatan yeesheen labada dhinac”.

Be the first to comment on "Donald Trump oo booqan doona Shiinaha"

Leave a comment