Madaxweyne Gaas oo xilkii ka qaaday Cabdirisaaq Ducaysane

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo xil kaqaadis ku sameeyey Agaasimaha Guud ee ladagaalanka burcad badeeda dowladda Puntland, kadib markii Digreeto Xeer Madaxweyne Lr. ee March 19 2017 ay xafiiskiisa kasoo baxday.

Xeer Madaxweyne Lr. 29 ee March 19 2017, Kuna Saabsan Xil Kaqaadis Agaasimaha Guud Ee Ladagaalanka Burcad Badeeda Dowladda Puntland

Madaxweynaha Dowlada Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland

Markuu arkay: Talo soo jeedinta Wasiirka dekedaha, gadiidka badda iyo lafagaalanka burcad badeeda

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo isbadalka iyo dardargalinta Agaasinka Ladagaalanka burcad badeeda Puntland

Waxuu xeeriyey: 

Waxuu xilkii Agaasimaha Guud ee ladagaalanka burcad badeeda ka qaaday Cabdirisaaq Maxamed Dirir (Ducaysane)

1. Xeerkani waxuu Dhaqan gelayaa markuu saxiixo madaxweynuhu wuuna saxiixay

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka Ee Madaxtooyada Puntland.

 

Be the first to comment on "Madaxweyne Gaas oo xilkii ka qaaday Cabdirisaaq Ducaysane"

Leave a comment