RW Khayre oo dib u dhigay Doorashadii Madaxweynaha Maamulka aan sharciyada buuxin ee Cadaado

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Arimaha doorashada ee dhawaan looga dhawaaqay inay ka dhici doonto Galmudg wuxuu kulamo wadatashi oo isdabajoog ah kala la yeeshay dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Galmudug, sida: Hoggaanka Galmudug, Xildhibaanada Barlamaanka Galmudug qaarkood, Xildhibaanda Aqalka Sare , xubnaha Golaha Shacabka ee laga soo doortay Galmudug, hoggaamiyeyaasha bulshada iyo Ahlu sunna wal jamaaca.

Hadaba wuxuu Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya soo jeedinayaa;

1-ka dib markuu tixgeliyey duruufaha qalafsan ee ka dhashay xaaladda abaaraha ee ka jirta deegaanka Galmudug oo hadda gurmadkeeda lagu gudo jiro iyo baahida loo qabo maamul lagu wada qanacsanyahay.

2-Maadaama ay Dawladda Federaalka Soomaaliya ay ku gudo jirto dhameystirka Golaha Fulinta ee xukuumadda taasoo aan looga maarmeyn fududaynta iyo ka qayb qaadashada doorasahda Galmudug.

3-Raiisul wasaaraha Soomaaliya wuxuu soo jeedinayaa in Barlamaanka Galmudug uu doorashada dib u dhigo muddo dhan 45 maalmood si loo yagleelo maamul dhaxal gal ah oo hoggaankiisa heshiis laga wada yahay.

4-Murashaxiinta Jagada Madaxweynaha Galmudug waxaan ugu baaqayaa in ay nala tixgeliyaan in la helo dib-u-heshiisiin iyo is afgarad, si loo qabto doorasho xor iyo xalaal ah oo lagu doorto hogaan raali ka yihiin dhammaan shacabka Galmudug.

5-Ugu danbeyntii waxaan ugu baaqayaa shacabka Galmudug iyo hogaamiyeyaasha Bulshada Galmudug in fursadan taariikhiga ah loo wada guntado, si iyadoo loo dhan yahay loo dooran lahaa hoggaan u hordeeda bulshada nabad iyo horumar dhan walba ah.

Be the first to comment on "RW Khayre oo dib u dhigay Doorashadii Madaxweynaha Maamulka aan sharciyada buuxin ee Cadaado"

Leave a comment