Xildhibaan Faarax Bootaan oo u Geeriyooday dhaawacii kasoo gaaray Qaraxii Gaalkacyo

Alah ha unaxariistee waxaa magaalada Nairobi ku geeriyooday xildhibaan Cabdulqaadir Faarax Bootaan oo kamid ah Baarlamaanka Puntland.
 
Xildhibaan Cabdulqaadir Faarax Bootaan ayaa u geeriyoodey dhaawac ka soo gaarey Qarax gaarigiisa loogu xiray 8-dii bishan March isagoo kusugnaa magaalada Galkacyo.
 
Gudoomiyihii hore ee barlamaanka ahna wasiirka wasaaradda howlaha guud iyo gaadiidka dowladda Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa ka tacsiyeeyey geerida xildhibaanka.
 
Xildhibaanka ayaa ka mid ahaa mudanayaasha baarlamaanka Puntland ee ka soo jeeda gobolka Mudug, waxana uu xubin ka ahaa guddiga nabad galyada ee loo xil saaray gobolka Mudug.
 
Ururka al-Shabaab ayaa qaraxa kadib sheegtey mas’uuliyadda iskudayga dil ee Xildhibaanka.
Jibril Qoobey.

Be the first to comment on "Xildhibaan Faarax Bootaan oo u Geeriyooday dhaawacii kasoo gaaray Qaraxii Gaalkacyo"

Leave a comment