Video:-Puntland”Waa udigaynaa Madaxda Dawlada Fadaraalka waana in ay ku dhawaaqaan Xukuumada cusub”

Puntiland ayaa markii ugu horreysay waxay saluug ka muujisay qaabka ay madaxda cusub ee dowladda Fadaraalka Soomaaliya u wadaan howlaha u yaalla.
 
Puntland ayaa ku talisay in wax laga beddelo qaabkaas.
 
Madaxweyne-ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdllaahi Camey oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in dowladda cusub ay heysato taageerada shacabka, isla markaana loo qabo rejo aad u weyn; balse madaxda dowladdu ay hadda u muuqdaan kuwo waqti badan ku luminaya isku-mashquulsanaan iyaga dhexdooda ah.
 
Camey ayaa ka digay in la lumiyo kalsoonidii iyo taageeradii ballaarnayd ee ay shacabka Soomaaliyeed ku soo dhaweeyeen doorashadii madaxweynaha cusub iyo dhismaha dowladdiisa.
 
Hadalkan waxa uu imaanayaa xilli ay madaxda dalku ku mashquulsan yihiin dhismaha golaha wasiirrada, iyada oo beryahan la hadal-hayay muran iyo ismaan-dhaaf ka dhex jira madaxda, kaas oo salka ku haya shakhsiyaadka loo magacaabayo xilalka wasaaradeed.
 
Puntland iyo maamullada kale fadaraalka ee dalka ka jira, ayaa tan iyo markii la doortay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,waxa ay ahaayeen kuwo aamusan, oo dusha kala socda xaalada, hase ahaatee aamusnaantooda ayaa u eg mid sii dhammaanaysa, maadama ay haddda soo muuqanayaan dhaliillo aan laga aamusi karin.hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka

Be the first to comment on "Video:-Puntland”Waa udigaynaa Madaxda Dawlada Fadaraalka waana in ay ku dhawaaqaan Xukuumada cusub”"

Leave a comment