ku dhawaad 30-Qof oo ku geeriyooday abaaraha Gobolada Jubooyinka

Guddiga Gurmadka Abaaraha Jubbaland ayaa sheegay in abaaraha ka taagan gobollada Jubbada Dhexe iyo Gedo ay sababeen dhimashada 26 qof, sida uu ku warramay raadiyaha dowladda Soomaaliya ee Radio Muqdisho.

Deegaannada laga sheegayo Abaaraha daran oo ay dadka ugu geeriyoodeen macluusha ayaa waxaa ka mid ah Salagle, Saakow, Bu’aale Garbahaarey iyo deegaano kale oo ka wada tirsan Jubbaland.

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ahna Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Jubbaland Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen ayaa ku baaqay in gurmad ballaaran loo sameeyo dadka ku nool deegaanadaasi.

Guud ahaan dalka Soomalaiya waxaa ka taagan abaar saameyn ballaaran ku yeeshay dadka iyo duunyada.

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in abaarahani ay isu bedeli karaan macluul la mid ah tii dhacday 2011 marakasoo kumanaan qof ay dhinteen.

Dowladda Soomalaiya ayaa horay u sheegtay in abaaraha ka taagan Soomaaliya ay sababeen dhimashada ka abdan 100 qof.

Be the first to comment on "ku dhawaad 30-Qof oo ku geeriyooday abaaraha Gobolada Jubooyinka"

Leave a comment